የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ቡሩጅ   አንቀጽ:

Suurada Al-buruuj

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ
1.Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ
2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ
3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ
4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ
5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ
6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ
7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ
10. Kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan toobad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ
11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan (Janno). Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
12. Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ
13. (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ
14. Waa Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ
15. Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ
17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ
18. Fircoon iyo Thamuud?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ
19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ
20. Alle wuu koobay (kamana baxsan karaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ
21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ
22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ቡሩጅ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት