قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - الترجمة الصومالية - يعقوب * - ترجمے کی لسٹ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

معانی کا ترجمہ سورت: سورۂ بُروج   آیت:

Suurada Al-buruuj

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ
1.Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).
عربی تفاسیر:
وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ
2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).
عربی تفاسیر:
وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ
3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'
عربی تفاسیر:
قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ
4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).
عربی تفاسیر:
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ
5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.
عربی تفاسیر:
إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ
6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).
عربی تفاسیر:
وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ
7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.
عربی تفاسیر:
وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.
عربی تفاسیر:
ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.
عربی تفاسیر:
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ
10. Kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan toobad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.
عربی تفاسیر:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ
11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan (Janno). Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.
عربی تفاسیر:
إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
12. Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.
عربی تفاسیر:
إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ
13. (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).
عربی تفاسیر:
وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ
14. Waa Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).
عربی تفاسیر:
ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ
15. Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.
عربی تفاسیر:
فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.
عربی تفاسیر:
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ
17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,
عربی تفاسیر:
فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ
18. Fircoon iyo Thamuud?
عربی تفاسیر:
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ
19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.
عربی تفاسیر:
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ
20. Alle wuu koobay (kamana baxsan karaan).
عربی تفاسیر:
بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ
21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.
عربی تفاسیر:
فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ
22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).
عربی تفاسیر:
 
معانی کا ترجمہ سورت: سورۂ بُروج
سورتوں کی لسٹ صفحہ نمبر
 
قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - الترجمة الصومالية - يعقوب - ترجمے کی لسٹ

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

بند کریں