Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 布柔智   段:

Al-buruuj

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ
1.Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).
阿拉伯语经注:
وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ
2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).
阿拉伯语经注:
وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ
3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'
阿拉伯语经注:
قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ
4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).
阿拉伯语经注:
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ
5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.
阿拉伯语经注:
إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ
6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).
阿拉伯语经注:
وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ
7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.
阿拉伯语经注:
وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ
10. Kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ
11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.
阿拉伯语经注:
إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
12. Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.
阿拉伯语经注:
إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ
13. Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).
阿拉伯语经注:
وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ
14. Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).
阿拉伯语经注:
ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ
15. Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan.
阿拉伯语经注:
فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.
阿拉伯语经注:
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ
17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,
阿拉伯语经注:
فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ
18. Fircoon iyo Thamuud?
阿拉伯语经注:
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ
19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.
阿拉伯语经注:
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ
20. Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan).
阿拉伯语经注:
بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ
21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.
阿拉伯语经注:
فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ
22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 布柔智
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭