কুরআনুল কারীমের অর্থসমূহের অনুবাদ - সোমালি ভাষায় অনুবাদ- ইয়াকূব * - অনুবাদসমূহের সূচী

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অর্থসমূহের অনুবাদ সূরা: সূরা আশ-শামস   আয়াত:

Suurada Ash-shams

وَٱلشَّمۡسِ وَضُحَىٰهَا
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَٱلۡقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا
2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا
3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰهَا
4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا
5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا طَحَىٰهَا
6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَنَفۡسٖ وَمَا سَوَّىٰهَا
7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.
আরবি তাফসীরসমূহ:
فَأَلۡهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقۡوَىٰهَا
8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,
আরবি তাফসীরসমূহ:
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَقَدۡ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا
10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.
আরবি তাফসীরসমূহ:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِطَغۡوَىٰهَآ
11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.
আরবি তাফসীরসমূহ:
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشۡقَىٰهَا
12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).
আরবি তাফসীরসমূহ:
فَقَالَ لَهُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقۡيَٰهَا
13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.
আরবি তাফসীরসমূহ:
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمۡدَمَ عَلَيۡهِمۡ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمۡ فَسَوَّىٰهَا
14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).
আরবি তাফসীরসমূহ:
وَلَا يَخَافُ عُقۡبَٰهَا
15. Kama uuna cabsado cidhibteeda ( cidhibta kuwa uu halaagay oo wax loo soo raacdo ama looga daba yimaado, waayo waa Adkaadaha aan laga adkaan).
আরবি তাফসীরসমূহ:
 
অর্থসমূহের অনুবাদ সূরা: সূরা আশ-শামস
সূরাসমূহের সূচী পৃষ্ঠার নাম্বার
 
কুরআনুল কারীমের অর্থসমূহের অনুবাদ - সোমালি ভাষায় অনুবাদ- ইয়াকূব - অনুবাদসমূহের সূচী

সোমালি ভাষায় কুরআনুল কারীমের অর্থসমূহের অনুবাদ। আব্দুল্লাহ হাসান ইয়াকূব অনূদিত।

বন্ধ