Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

external-link copy
96 : 3

إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ

96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah [16], barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha [17]. info

[16]. Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay.
Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad.
[17]. Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.

التفاسير: