Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 節: (96) 章: イムラーン家章
إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ
96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah16, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha17.
16. Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay.
Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad.
17. Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 節: (96) 章: イムラーン家章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる