Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'Abd Allah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Al 'Ankabût   Verset:
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
53. Waxayna ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn.
Les exégèses en arabe:
يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.
Les exégèses en arabe:
يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen.
Les exégèses en arabe:
يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّٰيَ فَٱعۡبُدُونِ
56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda.
Les exégèses en arabe:
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin.
Les exégèses en arabe:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ
58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha.
Les exégèses en arabe:
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta.
Les exégèses en arabe:
وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Allena Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
Les exégèses en arabe:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
Les exégèses en arabe:
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
Les exégèses en arabe:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Al 'Ankabût
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'Abd Allah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdouLlâh Ḥassan Ya'qoûb.

Fermeture