Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት   አንቀጽ:
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
53. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّٰيَ فَٱعۡبُدُونِ
56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ
58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Alle Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት