Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት   አንቀጽ:
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ
25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
29. Ma waxaad idinku u galmoonaysaan ragga, oo aad goynaysaan jidka8, oo kula imaanaysaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.
8. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት