Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 蜘蛛章   節:
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ
25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
29. Ma waxaad idinku u galmoonaysaan ragga, oo aad goynaysaan jidka8, oo kula imaanaysaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.
8. Idinkoo jidka gooya oo burcad ah oo u geysta dhac iyo boob socotada. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa gooya taranka u tegidiinna ragga darteed halkii dumarka, taasoo keeneysa tarmid la’aan dadka.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 蜘蛛章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる