Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት   አንቀጽ:
وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُوٓاْ إِنَّا مُهۡلِكُوٓاْ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِۖ إِنَّ أَهۡلَهَا كَانُواْ ظَٰلِمِينَ
31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada9 waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin.
9. Waa dhalashada Isxaaq, iyo wiil wiilki Yacquub.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطٗاۚ قَالُواْ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَن فِيهَاۖ لَنُنَجِّيَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal (cadaabka)10.
10. Waxaa lala cadaabay dadkeeda maadaama ay ku kaalmeyneysey xumahooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَمَّآ أَن جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗاۖ وَقَالُواْ لَا تَخَفۡ وَلَا تَحۡزَنۡ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهۡلَكَ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
33. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd)u timid Luud wuu ka murugooday11, oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.
11. Eeg sharaxa Suuradda 11: Aayadda 77.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰٓ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ رِجۡزٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَد تَّرَكۡنَا مِنۡهَآ ءَايَةَۢ بَيِّنَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗا فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱرۡجُواْ ٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَٰكِنِهِمۡۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَكَانُواْ مُسۡتَبۡصِرِينَ
38.Oo (waxaan halaagnay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuu shaydaan u qurxiyey camalladoodii (xumaa) oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah12.
12. Hadday waantoobayaan yacni waxay ahaayeen kuwo reer magaal ah leh aqoon hab agaasin ku dhisan oo loola jeedo in arrimaha adduunka baxaalligooda iyo salkooda la gaaro, si fiicanna dhulka loo camiro, oo saro dhaadheer loogaga dhiso, wax kastana maamul fiican loo sameeyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት