Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት   አንቀጽ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَحۡسَنَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu xaqiiq u asturi ceebahooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حُسۡنٗاۖ وَإِن جَٰهَدَاكَ لِتُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَآۚ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi3, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idinka abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).
3. Waa aydaan wax xujo ah u heysan ilaahnimadooda. Ma jiraan wax cilmi ah oo loo heli karo waxaan jirin ama aan run ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُدۡخِلَنَّهُمۡ فِي ٱلصَّٰلِحِينَ
9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaan dhex gelin kuwa wanaagsan (Jannada gudaheeda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِيَ فِي ٱللَّهِ جَعَلَ فِتۡنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِۖ وَلَئِن جَآءَ نَصۡرٞ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمۡۚ أَوَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِمَا فِي صُدُورِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeynay Alle, markiise lagu dhibaateeyo Alle darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Alle, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiinta) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Miyuusan Alle ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha (dadka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ
11. Xaqiiq, Alle wuu muujin kuwa rumeeyey, wuuna muujin munaafiqiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبِعُواْ سَبِيلَنَا وَلۡنَحۡمِلۡ خَطَٰيَٰكُمۡ وَمَا هُم بِحَٰمِلِينَ مِنۡ خَطَٰيَٰهُم مِّن شَيۡءٍۖ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
12. Kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna4. Mana aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; xaqiiq, waa beenlawyo.
4. Macnahu wuxuu sidoo kale noqon karaa: Markaa aan qaadnee denbiyadiinna, macnaha waa innagaa nala weydiin oo mas’uul ka ah denbiyadiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَيَحۡمِلُنَّ أَثۡقَالَهُمۡ وَأَثۡقَالٗا مَّعَ أَثۡقَالِهِمۡۖ وَلَيُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَمَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
13. Waxay qaadi culaysyadooda5, iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.
5. Waxay qaadi doonaan denbiyadooda, ay u dheer yihiin denbiyada dadka ay lumiyeen, iyagoo kuwaasi dambe aan iyagana denbiga sidaa uusan kaga dhaceyn oo lagaga naaqusineyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمۡ أَلۡفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمۡسِينَ عَامٗا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ
14. Waxaanu dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ዐንከቡት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት