Check out the new design

Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb * - Lexique des traductions

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traduction des sens Sourate: Al Fajr   Verset:

Al-fajr

وَٱلۡفَجۡرِ
1. Waxaan ku dhaartay waaberiga,
Les exégèses en arabe:
وَلَيَالٍ عَشۡرٖ
2. Iyo habeennada tobanka ah [1].
1. Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka).
Les exégèses en arabe:
وَٱلشَّفۡعِ وَٱلۡوَتۡرِ
3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).
Les exégèses en arabe:
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَسۡرِ
4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.
Les exégèses en arabe:
هَلۡ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٞ لِّذِي حِجۡرٍ
5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?
Les exégèses en arabe:
أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?
Les exégèses en arabe:
إِرَمَ ذَاتِ ٱلۡعِمَادِ
7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa [2].
2. Sidoo kale lahaa dhismooyin dhaadheer iyo waddooyin habeysan.
Les exégèses en arabe:
ٱلَّتِي لَمۡ يُخۡلَقۡ مِثۡلُهَا فِي ٱلۡبِلَٰدِ
8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.
Les exégèses en arabe:
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُواْ ٱلصَّخۡرَ بِٱلۡوَادِ
9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).
Les exégèses en arabe:
وَفِرۡعَوۡنَ ذِي ٱلۡأَوۡتَادِ
10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?
Les exégèses en arabe:
ٱلَّذِينَ طَغَوۡاْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ
11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.
Les exégèses en arabe:
فَأَكۡثَرُواْ فِيهَا ٱلۡفَسَادَ
12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?
Les exégèses en arabe:
فَصَبَّ عَلَيۡهِمۡ رَبُّكَ سَوۡطَ عَذَابٍ
13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.
Les exégèses en arabe:
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلۡمِرۡصَادِ
14. Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.
Les exégèses en arabe:
فَأَمَّا ٱلۡإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكۡرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَكۡرَمَنِ
15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.
Les exégèses en arabe:
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيۡهِ رِزۡقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَهَٰنَنِ
16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.
Les exégèses en arabe:
كَلَّاۖ بَل لَّا تُكۡرِمُونَ ٱلۡيَتِيمَ
17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.
Les exégèses en arabe:
وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.
Les exégèses en arabe:
وَتَأۡكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكۡلٗا لَّمّٗا
19. Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.
Les exégèses en arabe:
وَتُحِبُّونَ ٱلۡمَالَ حُبّٗا جَمّٗا
20. Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran.
Les exégèses en arabe:
كَلَّآۖ إِذَا دُكَّتِ ٱلۡأَرۡضُ دَكّٗا دَكّٗا
21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,
Les exégèses en arabe:
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلۡمَلَكُ صَفّٗا صَفّٗا
22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.
Les exégèses en arabe:
 
Traduction des sens Sourate: Al Fajr
Lexique des sourates Numéro de la page
 
Traduction des sens du Noble Coran - La traduction somalienne - 'AbdaLlah Hasan Ya'qûb - Lexique des traductions

Traduit par 'AbdaLlâh Ḥasan Ya'qûb.

Fermeture