Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ અઅલા   આયત:

Al-aclaa

سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى
1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya.
અરબી તફસીરો:
ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ
2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey.
અરબી તફસીરો:
وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ
3.Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay.
અરબી તફસીરો:
وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ
4. Ee ah Kan soo saara daaqa.
અરબી તફસીરો:
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ
5. Ka dhiga markaas kaddib caws
engagan oo madow.
અરબી તફસીરો:
سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,
અરબી તફસીરો:
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ
7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
અરબી તફસીરો:
وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ
8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).
અરબી તફસીરો:
فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ
9. Ee waani, markay wax tari waanadu.
અરબી તફસીરો:
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ
10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).
અરબી તફસીરો:
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى
11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun.
અરબી તફસીરો:
ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.
અરબી તફસીરો:
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.
અરબી તફસીરો:
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).
અરબી તફસીરો:
وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada.
અરબી તફસીરો:
بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;
અરબી તફસીરો:
وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.
અરબી તફસીરો:
إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,
અરબી તફસીરો:
صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અલ્ અઅલા
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો