क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - الترجمة الصومالية - يعقوب * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: सूरा अल्-आला   आयत:

Suurada Al-aclaa

سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى
1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso (ka huf xumaan oo ammaan) Magaca (Alle) Rabbigaa ee Sarreeya.
अरबी तफ़सीरें:
ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ
2. Ee abuuray (uunka) oo hagaajiyey.
अरबी तफ़सीरें:
وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ
3. Oo wax walba qaddaray, jidkana tusiyey.
अरबी तफ़सीरें:
وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ
4. Oo ah Kan soo saara daaqa.
अरबी तफ़सीरें:
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ
5. Ka dhiga markaas kaddib caws
engagan oo madow.
अरबी तफ़सीरें:
سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,
अरबी तफ़सीरें:
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ
7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
अरबी तफ़सीरें:
وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ
8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).
अरबी तफ़सीरें:
فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ
9. Ee waani, markay wax tari waanadu.
अरबी तफ़सीरें:
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ
10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).
अरबी तफ़सीरें:
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى
11. Waxaa ka fogaan (waanada) qofka xun.
अरबी तफ़सीरें:
ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.
अरबी तफ़सीरें:
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.
अरबी तफ़सीरें:
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).
अरबी तफ़सीरें:
وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
15. Oo xusa, ammaana, hufa Magaca (Alle) Rabbigi oo salaadda tukada.
अरबी तफ़सीरें:
بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;
अरबी तफ़सीरें:
وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ
17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.
अरबी तफ़सीरें:
إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,
अरबी तफ़सीरें:
صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: सूरा अल्-आला
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - الترجمة الصومالية - يعقوب - अनुवादों की सूची

ترجمة معاني القرآن الكريم إلى اللغة الصومالية ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

बंद करें