Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: आले इम्रान   आयत:
وَيُكَلِّمُ ٱلنَّاسَ فِي ٱلۡمَهۡدِ وَكَهۡلٗا وَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
46. Wuxuu la hadli dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan) mid ka mid ah kuwa wanaagsan.
अरबी तफ़सीरें:
قَالَتۡ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي وَلَدٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞۖ قَالَ كَذَٰلِكِ ٱللَّهُ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? (Malaggii) wuxuu yidhi: Sidaasuu Alle u abuuraa wuxuu doono. Markuu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, waana yahay.
अरबी तफ़सीरें:
وَيُعَلِّمُهُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ
48. Wuxuuna bari (Ciise) qoraalka, Xikmadda, Towraadda iyo Injiilka.
अरबी तफ़सीरें:
وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَنِّي قَدۡ جِئۡتُكُم بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ أَنِّيٓ أَخۡلُقُ لَكُم مِّنَ ٱلطِّينِ كَهَيۡـَٔةِ ٱلطَّيۡرِ فَأَنفُخُ فِيهِ فَيَكُونُ طَيۡرَۢا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۖ وَأُبۡرِئُ ٱلۡأَكۡمَهَ وَٱلۡأَبۡرَصَ وَأُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۖ وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأۡكُلُونَ وَمَا تَدَّخِرُونَ فِي بُيُوتِكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
49. Waana Rasuulka ilmaha Israa’iil (isagoo ku dhihi): Waxaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, waxaan idiinka sameyn dhoobo wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufi oo ay noqon shimibir Idanka Alle. Waxaan bogsiin indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleyn meytida Idanka Alle, waxaan idiinka warrami waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsataan guryihiinna. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo, haddaad tihiin mu'miniin.
अरबी तफ़सीरें:
وَمُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَلِأُحِلَّ لَكُم بَعۡضَ ٱلَّذِي حُرِّمَ عَلَيۡكُمۡۚ وَجِئۡتُكُم بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
50. Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey ee Towraadda ah, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey. Waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle oo i Adeeca.
अरबी तफ़सीरें:
إِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
51. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan.
अरबी तफ़सीरें:
۞ فَلَمَّآ أَحَسَّ عِيسَىٰ مِنۡهُمُ ٱلۡكُفۡرَ قَالَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَٱشۡهَدۡ بِأَنَّا مُسۡلِمُونَ
52. Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (diinta) Alle? Xawaariyiintii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (diinta) Alle; waxaanu rumeynay Alle, maragna ka ahow inaanu nahay Muslimiin.
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: आले इम्रान
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें