Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: आले इम्रान   आयत:
إِذۡ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمۡ أَن تَفۡشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَاۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan [22], Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.
22. Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta.
अरबी तफ़सीरें:
وَلَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدۡرٖ وَأَنتُمۡ أَذِلَّةٞۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan.
अरबी तफ़सीरें:
إِذۡ تَقُولُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ أَلَن يَكۡفِيَكُمۡ أَن يُمِدَّكُمۡ رَبُّكُم بِثَلَٰثَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ
124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?
अरबी तफ़सीरें:
بَلَىٰٓۚ إِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ وَيَأۡتُوكُم مِّن فَوۡرِهِمۡ هَٰذَا يُمۡدِدۡكُمۡ رَبُّكُم بِخَمۡسَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ
125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.
अरबी तफ़सीरें:
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ لَكُمۡ وَلِتَطۡمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦۗ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
अरबी तफ़सीरें:
لِيَقۡطَعَ طَرَفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡ يَكۡبِتَهُمۡ فَيَنقَلِبُواْ خَآئِبِينَ
127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah [23].
23. Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale.
अरबी तफ़सीरें:
لَيۡسَ لَكَ مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٌ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡ أَوۡ يُعَذِّبَهُمۡ فَإِنَّهُمۡ ظَٰلِمُونَ
128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow' [24], ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
24. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.
अरबी तफ़सीरें:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
अरबी तफ़सीरें:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُواْ ٱلرِّبَوٰٓاْ أَضۡعَٰفٗا مُّضَٰعَفَةٗۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane.
अरबी तफ़सीरें:
وَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِيٓ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ
131. Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada.
अरबी तफ़सीरें:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
132. Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: आले इम्रान
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें