Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
إِذۡ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمۡ أَن تَفۡشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَاۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan [22], Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.
22. Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدۡرٖ وَأَنتُمۡ أَذِلَّةٞۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ تَقُولُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ أَلَن يَكۡفِيَكُمۡ أَن يُمِدَّكُمۡ رَبُّكُم بِثَلَٰثَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ
124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلَىٰٓۚ إِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ وَيَأۡتُوكُم مِّن فَوۡرِهِمۡ هَٰذَا يُمۡدِدۡكُمۡ رَبُّكُم بِخَمۡسَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ
125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ لَكُمۡ وَلِتَطۡمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦۗ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِيَقۡطَعَ طَرَفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡ يَكۡبِتَهُمۡ فَيَنقَلِبُواْ خَآئِبِينَ
127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah [23].
23. Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَيۡسَ لَكَ مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٌ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡ أَوۡ يُعَذِّبَهُمۡ فَإِنَّهُمۡ ظَٰلِمُونَ
128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow' [24], ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
24. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُواْ ٱلرِّبَوٰٓاْ أَضۡعَٰفٗا مُّضَٰعَفَةٗۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِيٓ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ
131. Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
132. Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት