Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
۞ وَسَارِعُوٓاْ إِلَىٰ مَغۡفِرَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ وَجَنَّةٍ عَرۡضُهَا ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ أُعِدَّتۡ لِلۡمُتَّقِينَ
133. U degdega denbi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa 'ka' dhowrsada 'xumaha'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ فِي ٱلسَّرَّآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَٱلۡكَٰظِمِينَ ٱلۡغَيۡظَ وَٱلۡعَافِينَ عَنِ ٱلنَّاسِۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
134. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaanta, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ إِذَا فَعَلُواْ فَٰحِشَةً أَوۡ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ ذَكَرُواْ ٱللَّهَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ لِذُنُوبِهِمۡ وَمَن يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ إِلَّا ٱللَّهُ وَلَمۡ يُصِرُّواْ عَلَىٰ مَا فَعَلُواْ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda25, xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).
25. Waxaa loola jeedaa faaxishada denbiga weyn ee ciribta xun, cirib xumadiisana ku koobneyn falaha oo keliya bal saameysa dadka kale, sida zinada, xatooyada, ribada, waxaa se loola jeedaa dulminta nafta inaad fasho dunuub gef ah uu qofku ka galo naf ahaantiisa ha ahaado denbi yar ama mid weyn sida cabbitaanka khamriga, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ جَزَآؤُهُم مَّغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡ وَجَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَنِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ
136. Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِكُمۡ سُنَنٞ فَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
137. Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta kuwa (Xaqa) beeniyay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذَا بَيَانٞ لِّلنَّاسِ وَهُدٗى وَمَوۡعِظَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ
138. Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَهِنُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
139. Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن يَمۡسَسۡكُمۡ قَرۡحٞ فَقَدۡ مَسَّ ٱلۡقَوۡمَ قَرۡحٞ مِّثۡلُهُۥۚ وَتِلۡكَ ٱلۡأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيۡنَ ٱلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَيَتَّخِذَ مِنكُمۡ شُهَدَآءَۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّٰلِمِينَ
140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Allena ma jecla daalimiinta (gar diidka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት