Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
116. Hubaal, kuwa gaalooba wax ugama taraan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Alle. Waana kuwaa ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَثَلُ مَا يُنفِقُونَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَثَلِ رِيحٖ فِيهَا صِرٌّ أَصَابَتۡ حَرۡثَ قَوۡمٖ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَأَهۡلَكَتۡهُۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِنۡ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
117. Mataalka waxay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabeyl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Allena ma uusan dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ بِطَانَةٗ مِّن دُونِكُمۡ لَا يَأۡلُونَكُمۡ خَبَالٗا وَدُّواْ مَا عَنِتُّمۡ قَدۡ بَدَتِ ٱلۡبَغۡضَآءُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَمَا تُخۡفِي صُدُورُهُمۡ أَكۡبَرُۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ
118. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii daran. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad fahmeysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰٓأَنتُمۡ أُوْلَآءِ تُحِبُّونَهُمۡ وَلَا يُحِبُّونَكُمۡ وَتُؤۡمِنُونَ بِٱلۡكِتَٰبِ كُلِّهِۦ وَإِذَا لَقُوكُمۡ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوۡاْ عَضُّواْ عَلَيۡكُمُ ٱلۡأَنَامِلَ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۚ قُلۡ مُوتُواْ بِغَيۡظِكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
119. Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (qaraabo iyo deris ahaan darteed iyo muujintooda saaxiibtinnimo dusha ah xaggiinna), halkay iyagu idin jecleyn (oo idinku colaadiyaan diintiinna darteed), waxaadna rumeysan tihiin Kutubta Alle oo dhan (Towraadda, Injiilka, halkay ku gaaloobaan Qur’aanka). Markay idinla kulmaanna waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Alle waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن تَمۡسَسۡكُمۡ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡ وَإِن تُصِبۡكُمۡ سَيِّئَةٞ يَفۡرَحُواْ بِهَاۖ وَإِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ لَا يَضُرُّكُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـًٔاۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ
120. Hadday idin haleesho samo, waa ay murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (dhagartooda, Allena u hoggaansan tihiin, iskana ilaalisaan xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Alle wuu koobaa waxay fali.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ غَدَوۡتَ مِنۡ أَهۡلِكَ تُبَوِّئُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مَقَٰعِدَ لِلۡقِتَالِۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
121. (Xusuuso) markaad (Nabiyow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan21. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
21. Dhacdadan waxay dhacday duullaankii Uxud sannadkii seddexaad ee hijrada siday sheegeen taariikhyahannada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት