Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
فَٱنقَلَبُواْ بِنِعۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضۡلٖ لَّمۡ يَمۡسَسۡهُمۡ سُوٓءٞ وَٱتَّبَعُواْ رِضۡوَٰنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَظِيمٍ
174. Markaasay la noqdeen Nicmo xag Alle
ah iyo Deeqdiisa, oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Alle. Allena waa Rabbi Fadli iyo Deeq weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا ذَٰلِكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ يُخَوِّفُ أَوۡلِيَآءَهُۥ فَلَا تَخَافُوهُمۡ وَخَافُونِ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya (waa Alle'e) iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِۚ إِنَّهُمۡ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ يُرِيدُ ٱللَّهُ أَلَّا يَجۡعَلَ لَهُمۡ حَظّٗا فِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ
176. Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.
37. Xaalka munaafiqiinta ku dhex jira muslimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلۡكُفۡرَ بِٱلۡإِيمَٰنِ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
177. Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّمَا نُمۡلِي لَهُمۡ خَيۡرٞ لِّأَنفُسِهِمۡۚ إِنَّمَا نُمۡلِي لَهُمۡ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِثۡمٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّا كَانَ ٱللَّهُ لِيَذَرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَىٰ مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ حَتَّىٰ يَمِيزَ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُطۡلِعَكُمۡ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَجۡتَبِي مِن رُّسُلِهِۦ مَن يَشَآءُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَلَكُمۡ أَجۡرٌ عَظِيمٞ
179. Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ هُوَ خَيۡرٗا لَّهُمۖ بَلۡ هُوَ شَرّٞ لَّهُمۡۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُواْ بِهِۦ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
38. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, maalkiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት