Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ إِنَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ
16. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Waanu rumeynay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, nagana dhowr cadaabka Naarta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡمُنفِقِينَ وَٱلۡمُسۡتَغۡفِرِينَ بِٱلۡأَسۡحَارِ
17. Ee ah kuwa samra, runlowyada ah, adeeca Alle, oo wax sadaqaysta, oo (Alle) weydiista denbi dhaaf waqtiyada suxuurta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
شَهِدَ ٱللَّهُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَأُوْلُواْ ٱلۡعِلۡمِ قَآئِمَۢا بِٱلۡقِسۡطِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلدِّينَ عِندَ ٱللَّهِ ٱلۡإِسۡلَٰمُۗ وَمَا ٱخۡتَلَفَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۗ وَمَن يَكۡفُرۡ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
19. Hubaal diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka. Ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) markuu u yimid cilmiga mooyee, xasad dhexdooda ah darti. Qofkii ku gaalooba Aayadaha Alle, hubaal Alle waa degdeg xisaabtiisu dhaqso ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِنۡ حَآجُّوكَ فَقُلۡ أَسۡلَمۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِۗ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسۡلَمۡتُمۡۚ فَإِنۡ أَسۡلَمُواْ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ
20. Hadday kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan oo u hoggaansanahay Alle, waana sidaas qofkii I raaca. Kuna dheh kuwa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo kuwa ah mushrikiinta:Miyaad hoggaansameysaan?4 Hadday hoggaansamaan, markaa waa hanuunsan yihiin; haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), waxaa uun ku saaran Gaarsiin (Xaqa) lagula soo diray. Alle wuu arkaa addoomahiisa.
4. Marba hadday hoggaansamaan dadka ehlu kitaabka waxaa loo dhowraa xuquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo ay jirto diiddadooda Xaqa, waase inay bixiyaan jizyo halkii sakada iyo difaaca laga rabo muslimiinta. Kaddib waxaa mas’uul ka ah ilaalintooda dawladda Islaamka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقۡتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَيَقۡتُلُونَ ٱلَّذِينَ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡقِسۡطِ مِنَ ٱلنَّاسِ فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
21. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle, oo u dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah5. Ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
5. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. yaa dadka ugu cadaab daran Maalinta Qiyaamaha. Wuxuu yidhi: Qof dilay Nabi ama dilay qof faraya wanaag oo ka reebaya xumaan. W.w. Ibnu Abii Xaatim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
22. Kuwaas waa kuwa ay burtay acmaashooda adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት