Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
يَوۡمَ تَجِدُ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا عَمِلَتۡ مِنۡ خَيۡرٖ مُّحۡضَرٗا وَمَا عَمِلَتۡ مِن سُوٓءٖ تَوَدُّ لَوۡ أَنَّ بَيۡنَهَا وَبَيۡنَهُۥٓ أَمَدَۢا بَعِيدٗاۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفۡسَهُۥۗ وَٱللَّهُ رَءُوفُۢ بِٱلۡعِبَادِ
30. Maalinta naf waliba heli waxay khayr fashay oo la hor keeno iyo waxay xume fashay, waxay jeclaan in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd muddo dheer. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa. Alle waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِن كُنتُمۡ تُحِبُّونَ ٱللَّهَ فَٱتَّبِعُونِي يُحۡبِبۡكُمُ ٱللَّهُ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
31. (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Alle jeceshihiin, i soo raaca, Alle baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَۖ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡكَٰفِرِينَ
32. Dheh: Adeeca Alle iyo Rasuulka (Muxammad). Haddayse jeesadaan, hubaal Alle ma jecla gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰٓ ءَادَمَ وَنُوحٗا وَءَالَ إِبۡرَٰهِيمَ وَءَالَ عِمۡرَٰنَ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
33. Alle wuxuu hubaal ka doortay Aadam, Nuux, reer Ibraahiim iyo reer Cimraan ummadaha dhan dushood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذُرِّيَّةَۢ بَعۡضُهَا مِنۢ بَعۡضٖۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
34. Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, Alle waa wax kasta Maqle,wax kasta Og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ قَالَتِ ٱمۡرَأَتُ عِمۡرَٰنَ رَبِّ إِنِّي نَذَرۡتُ لَكَ مَا فِي بَطۡنِي مُحَرَّرٗا فَتَقَبَّلۡ مِنِّيٓۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
35. (Xus, Nabiyow) markay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا وَضَعَتۡهَا قَالَتۡ رَبِّ إِنِّي وَضَعۡتُهَآ أُنثَىٰ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا وَضَعَتۡ وَلَيۡسَ ٱلذَّكَرُ كَٱلۡأُنثَىٰۖ وَإِنِّي سَمَّيۡتُهَا مَرۡيَمَ وَإِنِّيٓ أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ
36. Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah, Allena wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxay dhashay – labkuna ma aha la mid dheddiga, waxaana u bixiyey Maryam9, waxaana kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay.
9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa u khayr badan haweenka caalamka afar: Maryama binti Cimraan, Aasiya marwadii Fircoon, Khadiija binti Khuwaylid, iyo Faadimah binti Rasuulilaah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٖ وَأَنۢبَتَهَا نَبَاتًا حَسَنٗا وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّاۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيۡهَا زَكَرِيَّا ٱلۡمِحۡرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزۡقٗاۖ قَالَ يَٰمَرۡيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَٰذَاۖ قَالَتۡ هُوَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ إِنَّ ٱللَّهَ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٍ
37. Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal fiican, kana yeelay inay korto koritaan wanaagsan, una dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kastuu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xagga Alle. Hubaal Alle wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት