Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን   አንቀጽ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَرُدُّوكُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ فَتَنقَلِبُواْ خَٰسِرِينَ
149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan28.
28. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Anigu barii baan ka ahay muslim kasta oo ku nool gaalo dhexdood. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow? Sidee? Wuxuu yidhi: Waa inay is arkin labadooda dab. W.w. Abuu Daawuud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلِ ٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلنَّٰصِرِينَ
150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَنُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ بِمَآ أَشۡرَكُواْ بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗاۖ وَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ وَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلظَّٰلِمِينَ
151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaa hoyga daalimiinta (gar diidka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ صَدَقَكُمُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥٓ إِذۡ تَحُسُّونَهُم بِإِذۡنِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا فَشِلۡتُمۡ وَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَعَصَيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَآ أَرَىٰكُم مَّا تُحِبُّونَۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلدُّنۡيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۚ ثُمَّ صَرَفَكُمۡ عَنۡهُمۡ لِيَبۡتَلِيَكُمۡۖ وَلَقَدۡ عَفَا عَنكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
152. Dhabtii Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen29 kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Alle wuu u Roon yahay mu`miniinta.
29. Ganayaashii wixii uu amray Nabiga s.c.w oo ahaa inay ku sugnaadaan meeshooda la amray wax kastoo dhaca.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ إِذۡ تُصۡعِدُونَ وَلَا تَلۡوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٖ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ فِيٓ أُخۡرَىٰكُمۡ فَأَثَٰبَكُمۡ غَمَّۢا بِغَمّٖ لِّكَيۡلَا تَحۡزَنُواْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا مَآ أَصَٰبَكُمۡۗ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna30, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna31, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
30. Muslimiinta kuma ayan guuleysan inay ka adkaadaan.
31. Waxay muslimiintii ka xumaadeen inayan adeecin amarka Rasuulka s.c.w. taasoo ahayd sababta jabkooda. Marka hammiga hore wuxuu ahaa jabka loo geystey, hammiga kalena markii la yidhi waa la dilay Rasuulka Alle, taasoo uga darneyd jabkii soo gaaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኣሊ-ኢምራን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት