Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: イムラーン家章   節:
إِذۡ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمۡ أَن تَفۡشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَاۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan22, Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.
22. Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدۡرٖ وَأَنتُمۡ أَذِلَّةٞۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, si aad u mahdisaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِذۡ تَقُولُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ أَلَن يَكۡفِيَكُمۡ أَن يُمِدَّكُمۡ رَبُّكُم بِثَلَٰثَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ
124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?
アラビア語 クルアーン注釈:
بَلَىٰٓۚ إِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ وَيَأۡتُوكُم مِّن فَوۡرِهِمۡ هَٰذَا يُمۡدِدۡكُمۡ رَبُّكُم بِخَمۡسَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ
125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ لَكُمۡ وَلِتَطۡمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦۗ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guushana kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
لِيَقۡطَعَ طَرَفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡ يَكۡبِتَهُمۡ فَيَنقَلِبُواْ خَآئِبِينَ
127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah23.
23. Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَيۡسَ لَكَ مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٌ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡ أَوۡ يُعَذِّبَهُمۡ فَإِنَّهُمۡ ظَٰلِمُونَ
128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow'24, ama wuu ka toobad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
24. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُواْ ٱلرِّبَوٰٓاْ أَضۡعَٰفٗا مُّضَٰعَفَةٗۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle aad liibaantaane.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِيٓ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ
131. Iskana jira Naarta loo diyaariyey gaalada.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
132. Adeecana Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: イムラーン家章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる