വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

പേജ് നമ്പർ:close

external-link copy
122 : 3

إِذۡ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمۡ أَن تَفۡشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَاۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan [22], Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu. info

[22]. Waxay ahaayeen Banuu Salama oo qabiilka Khazraj ah, iyo Banuu Xaaritha oo qabiilka Aws ah, oo labadaba ka tirsanaa Muslimiinta.

التفاسير:

external-link copy
123 : 3

وَلَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدۡرٖ وَأَنتُمۡ أَذِلَّةٞۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan. info
التفاسير:

external-link copy
124 : 3

إِذۡ تَقُولُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ أَلَن يَكۡفِيَكُمۡ أَن يُمِدَّكُمۡ رَبُّكُم بِثَلَٰثَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ

124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi? info
التفاسير:

external-link copy
125 : 3

بَلَىٰٓۚ إِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ وَيَأۡتُوكُم مِّن فَوۡرِهِمۡ هَٰذَا يُمۡدِدۡكُمۡ رَبُّكُم بِخَمۡسَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ

125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan. info
التفاسير:

external-link copy
126 : 3

وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ لَكُمۡ وَلِتَطۡمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦۗ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ

126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah. info
التفاسير:

external-link copy
127 : 3

لِيَقۡطَعَ طَرَفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡ يَكۡبِتَهُمۡ فَيَنقَلِبُواْ خَآئِبِينَ

127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah [23]. info

[23]. Kaddib markii laga dilay gaalada toddobaatan ka mid ah madaxdooda, oo laga soo qafaashay toddobataan kale.

التفاسير:

external-link copy
128 : 3

لَيۡسَ لَكَ مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٌ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡ أَوۡ يُعَذِّبَهُمۡ فَإِنَّهُمۡ ظَٰلِمُونَ

128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow' [24], ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin. info

[24]. Wuxuu Al Iimaam Al-Bukhaari ku xusay kitaabkiisa sababta soo degitaanka Aayaddan in Rasuulku Alle ka baryey inuu badbaadiyo mushrikiinta qaarkood oo halaago inta kale.

التفاسير:

external-link copy
129 : 3

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan. info
التفاسير:

external-link copy
130 : 3

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُواْ ٱلرِّبَوٰٓاْ أَضۡعَٰفٗا مُّضَٰعَفَةٗۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ

130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane. info
التفاسير:

external-link copy
131 : 3

وَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِيٓ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ

131. Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada. info
التفاسير:

external-link copy
132 : 3

وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

132. Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto. info
التفاسير: