Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: イムラーン家章   節:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُدۡعَوۡنَ إِلَىٰ كِتَٰبِ ٱللَّهِ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ وَهُم مُّعۡرِضُونَ
23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.
アラビア語 クルアーン注釈:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامٗا مَّعۡدُودَٰتٖۖ وَغَرَّهُمۡ فِي دِينِهِم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
24. Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَكَيۡفَ إِذَا جَمَعۡنَٰهُمۡ لِيَوۡمٖ لَّا رَيۡبَ فِيهِ وَوُفِّيَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلِ ٱللَّهُمَّ مَٰلِكَ ٱلۡمُلۡكِ تُؤۡتِي ٱلۡمُلۡكَ مَن تَشَآءُ وَتَنزِعُ ٱلۡمُلۡكَ مِمَّن تَشَآءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَآءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَآءُۖ بِيَدِكَ ٱلۡخَيۡرُۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayroo dhan. Hubaal Adigaa wax kasta Kara.
アラビア語 クルアーン注釈:
تُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَتُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِۖ وَتُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَتُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّۖ وَتَرۡزُقُ مَن تَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٖ
27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka, kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool6. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.
6. Mufasiriinta qaarkood waxay tusaale ugu soo qaateen wax nool wax dhintay ka soo bixidda shimbirka yar ukunta, iyo ukunta oo ka soo baxdo digaagadda.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَّا يَتَّخِذِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَلَيۡسَ مِنَ ٱللَّهِ فِي شَيۡءٍ إِلَّآ أَن تَتَّقُواْ مِنۡهُمۡ تُقَىٰةٗۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفۡسَهُۥۗ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ
28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada7. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa8, xagga Alle baana lagu dambeyn.
7. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah, iimaankana ku xasilan yahay.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ إِن تُخۡفُواْ مَا فِي صُدُورِكُمۡ أَوۡ تُبۡدُوهُ يَعۡلَمۡهُ ٱللَّهُۗ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Alle wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Karaa.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: イムラーン家章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる