Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Ali 'Imran   Câu:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُدۡعَوۡنَ إِلَىٰ كِتَٰبِ ٱللَّهِ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ وَهُم مُّعۡرِضُونَ
23. Miyaadan arag (xaalka) kuwaa (Yuhuudda ah) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Towraadda)? waxaa loogu yeedhaa Kitaabka Alle si uu u kala xukumo dhexdooda, markaasay qaar ka mid ah jeesadaan iyagoo (Xaqa) diiddan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامٗا مَّعۡدُودَٰتٖۖ وَغَرَّهُمۡ فِي دِينِهِم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
24. Waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naar nama taabaneyso waxaan aheyn maalmo tirsan. Waxaana ku hoday diintooda waxay been abuuran jireen.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
فَكَيۡفَ إِذَا جَمَعۡنَٰهُمۡ لِيَوۡمٖ لَّا رَيۡبَ فِيهِ وَوُفِّيَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
25. Ee sidee bay ahaan markaan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin (Qiyaamada), naf walbana loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmayn?
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلِ ٱللَّهُمَّ مَٰلِكَ ٱلۡمُلۡكِ تُؤۡتِي ٱلۡمُلۡكَ مَن تَشَآءُ وَتَنزِعُ ٱلۡمُلۡكَ مِمَّن تَشَآءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَآءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَآءُۖ بِيَدِكَ ٱلۡخَيۡرُۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada midkaad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada midkaad doonto, waxaadna ciseysaa midkaad doonto, oo dulleysaa midkaad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayroo dhan. Hubaal Adigaa wax kasta Kara.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
تُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَتُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِۖ وَتُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَتُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّۖ وَتَرۡزُقُ مَن تَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٖ
27. Waxaad habeenka dhex gelisaa maalinta, maalintana dhex gelisaa habeenka, kana soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool [6]. Waxaadna arzaaqdaa midkaad doonto xisaab la’aan.
6. Mufasiriinta qaarkood waxay tusaale ugu soo qaateen wax nool wax dhintay ka soo bixidda shimbirka yar ukunta, iyo ukunta oo ka soo baxdo digaagadda.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
لَّا يَتَّخِذِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَلَيۡسَ مِنَ ٱللَّهِ فِي شَيۡءٍ إِلَّآ أَن تَتَّقُواْ مِنۡهُمۡ تُقَىٰةٗۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفۡسَهُۥۗ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ
28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada sokeeye halkii mu’miniinta, qofkii sidaa fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Alle, inaad sidaa isaga ilaalineysaan mooyaane dhib xaggooda idiinka yimaada [7]. Alle wuxuu idiinka digi Naftiisa [8], xagga Alle baana lagu dambeyn.
7. Hadduu mu’minku ka baqo dhibaato ka soo gaarta cadow, waxaa u bannaan inuu iska yeelo inuu ku waafaqsan yahay cadowga waxay ku qasbayaan maadaama qalbigiisa iyo niyaddiisa ku lahayn wax saameyn ah, iimaankana ku xasilan yahay.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma jiro axad ka qiiro badan Alle, sidaas daraadeed buu u xaaraanshay zinada, mana jiro axad ka jecel Alle in la ammaano oo loo xamdi iyo mahad naqo”.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
قُلۡ إِن تُخۡفُواْ مَا فِي صُدُورِكُمۡ أَوۡ تُبۡدُوهُ يَعۡلَمۡهُ ٱللَّهُۗ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Alle wuu ogsoon yahay, wuxuuna ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Karaa.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Ali 'Imran
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại