Check out the new design

क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब * - अनुवादों की सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थों का अनुवाद सूरा: अल्-अन्आम   आयत:
۞ إِنَّمَا يَسۡتَجِيبُ ٱلَّذِينَ يَسۡمَعُونَۘ وَٱلۡمَوۡتَىٰ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ ثُمَّ إِلَيۡهِ يُرۡجَعُونَ
36. Kuwaa wax maqla (mu'miniinta) uun baa ajiiba (baaqa Alle), meytidase (gaalada), Alle baa soo bixin, Xaggiisaana loo celin.
अरबी तफ़सीरें:
وَقَالُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ قَادِرٌ عَلَىٰٓ أَن يُنَزِّلَ ءَايَةٗ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
37. Waxayna yidhaahdeen: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo (Mucjisad) xagga Rabbigi ah? Dheh: Alle wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, badankooduse ma oga.
अरबी तफ़सीरें:
وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا طَٰٓئِرٖ يَطِيرُ بِجَنَاحَيۡهِ إِلَّآ أُمَمٌ أَمۡثَالُكُمۚ مَّا فَرَّطۡنَا فِي ٱلۡكِتَٰبِ مِن شَيۡءٖۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يُحۡشَرُونَ
38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.
1. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada.
अरबी तफ़सीरें:
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا صُمّٞ وَبُكۡمٞ فِي ٱلظُّلُمَٰتِۗ مَن يَشَإِ ٱللَّهُ يُضۡلِلۡهُ وَمَن يَشَأۡ يَجۡعَلۡهُ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
39. Kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo ka dhega la’ (Xaqa) oo ka af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Alle wuu lumiyaa, qofkuu doonana wuxuu yeelaa Jid Toosan (Islaamka).
अरबी तफ़सीरें:
قُلۡ أَرَءَيۡتَكُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُ ٱللَّهِ أَوۡ أَتَتۡكُمُ ٱلسَّاعَةُ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَدۡعُونَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?
अरबी तफ़सीरें:
بَلۡ إِيَّاهُ تَدۡعُونَ فَيَكۡشِفُ مَا تَدۡعُونَ إِلَيۡهِ إِن شَآءَ وَتَنسَوۡنَ مَا تُشۡرِكُونَ
41. Mayee’ Isaga uun ayaad baryeysaan, markaasuu idinka dul qaadi (dhibta) waxaad ka baryeysaan hadduu doono, waadna illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada (oo Keligii baridaan).
अरबी तफ़सीरें:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَأَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ لَعَلَّهُمۡ يَتَضَرَّعُونَ
42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle).
अरबी तफ़सीरें:
فَلَوۡلَآ إِذۡ جَآءَهُم بَأۡسُنَا تَضَرَّعُواْ وَلَٰكِن قَسَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
43. Maxay markuu u yimid Ciqaabkayaga, u soo hogan waayeen? Quluubtoodaase qallashay, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.
अरबी तफ़सीरें:
فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِۦ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَبۡوَٰبَ كُلِّ شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ إِذَا فَرِحُواْ بِمَآ أُوتُوٓاْ أَخَذۡنَٰهُم بَغۡتَةٗ فَإِذَا هُم مُّبۡلِسُونَ
44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey iyo wixii loogu gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxay ku sugan yihiin quus daran.
अरबी तफ़सीरें:
 
अर्थों का अनुवाद सूरा: अल्-अन्आम
सूरों की सूची पृष्ठ संख्या
 
क़ुरआन के अर्थों का अनुवाद - सोमाली अनुवाद - अब्दुल्लाह हसन याक़ूब - अनुवादों की सूची

अनुवाद अब्दुल्लाह हसन याक़ूब ने किया है।

बंद करें