Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
۞ إِنَّمَا يَسۡتَجِيبُ ٱلَّذِينَ يَسۡمَعُونَۘ وَٱلۡمَوۡتَىٰ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ ثُمَّ إِلَيۡهِ يُرۡجَعُونَ
36. Kuwaa wax maqla (mu'miniinta) uun baa ajiiba (baaqa Alle), meytidase (gaalada), Alle baa soo bixin, Xaggiisaana loo celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ قَادِرٌ عَلَىٰٓ أَن يُنَزِّلَ ءَايَةٗ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
37. Waxayna yidhaahdeen: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo (Mucjisad) xagga Rabbigi ah? Dheh: Alle wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, badankooduse ma oga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا طَٰٓئِرٖ يَطِيرُ بِجَنَاحَيۡهِ إِلَّآ أُمَمٌ أَمۡثَالُكُمۚ مَّا فَرَّطۡنَا فِي ٱلۡكِتَٰبِ مِن شَيۡءٖۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يُحۡشَرُونَ
38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.
1. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا صُمّٞ وَبُكۡمٞ فِي ٱلظُّلُمَٰتِۗ مَن يَشَإِ ٱللَّهُ يُضۡلِلۡهُ وَمَن يَشَأۡ يَجۡعَلۡهُ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
39. Kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo ka dhega la’ (Xaqa) oo ka af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Alle wuu lumiyaa, qofkuu doonana wuxuu yeelaa Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَرَءَيۡتَكُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُ ٱللَّهِ أَوۡ أَتَتۡكُمُ ٱلسَّاعَةُ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَدۡعُونَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
بَلۡ إِيَّاهُ تَدۡعُونَ فَيَكۡشِفُ مَا تَدۡعُونَ إِلَيۡهِ إِن شَآءَ وَتَنسَوۡنَ مَا تُشۡرِكُونَ
41. Mayee’ Isaga uun ayaad baryeysaan, markaasuu idinka dul qaadi (dhibta) waxaad ka baryeysaan hadduu doono, waadna illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada (oo Keligii baridaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَأَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ لَعَلَّهُمۡ يَتَضَرَّعُونَ
42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَوۡلَآ إِذۡ جَآءَهُم بَأۡسُنَا تَضَرَّعُواْ وَلَٰكِن قَسَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
43. Maxay markuu u yimid Ciqaabkayaga, u soo hogan waayeen? Quluubtoodaase qallashay, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِۦ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَبۡوَٰبَ كُلِّ شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ إِذَا فَرِحُواْ بِمَآ أُوتُوٓاْ أَخَذۡنَٰهُم بَغۡتَةٗ فَإِذَا هُم مُّبۡلِسُونَ
44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey iyo wixii loogu gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxay ku sugan yihiin quus daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት