Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
وَهُوَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُم بِٱلَّيۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا جَرَحۡتُم بِٱلنَّهَارِ ثُمَّ يَبۡعَثُكُمۡ فِيهِ لِيُقۡضَىٰٓ أَجَلٞ مُّسَمّٗىۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
60. (Alle) waa Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), wuxuuna ogsoon yahay waxaad kasabtaan maalinnimada (oo khayr ama shar ah), haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban, Xaggiisaana la idiin celin, markaasuu idiin sheegi wixii aad fasheen (oo dhan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ ٱلۡقَاهِرُ فَوۡقَ عِبَادِهِۦۖ وَيُرۡسِلُ عَلَيۡكُمۡ حَفَظَةً حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ تَوَفَّتۡهُ رُسُلُنَا وَهُمۡ لَا يُفَرِّطُونَ
61. Waa Maquuniyaha awoodda badan, ee ka korreeya addoomahiisa, wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markuu midkiin u yimaado mowdku, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), mana gabood falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ رُدُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ مَوۡلَىٰهُمُ ٱلۡحَقِّۚ أَلَا لَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَهُوَ أَسۡرَعُ ٱلۡحَٰسِبِينَ
62. Markaasaa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Isagaa leh go’aanka, waana Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ تَدۡعُونَهُۥ تَضَرُّعٗا وَخُفۡيَةٗ لَّئِنۡ أَنجَىٰنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
63. Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya (isu dulleyn) iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلِ ٱللَّهُ يُنَجِّيكُم مِّنۡهَا وَمِن كُلِّ كَرۡبٖ ثُمَّ أَنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
64. Dheh: Alle baa idinka badbaadiya halis iyo kurba kasta, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ هُوَ ٱلۡقَادِرُ عَلَىٰٓ أَن يَبۡعَثَ عَلَيۡكُمۡ عَذَابٗا مِّن فَوۡقِكُمۡ أَوۡ مِن تَحۡتِ أَرۡجُلِكُمۡ أَوۡ يَلۡبِسَكُمۡ شِيَعٗا وَيُذِيقَ بَعۡضَكُم بَأۡسَ بَعۡضٍۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَفۡقَهُونَ
65. Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda3 ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sidaan ugu soo celcelinno Aayadaha inay fahmaan.
3. “ Cadaab korkiinna ah” waa sida roob dhagax ah iyo biriqda iyo danabka, iwm, iyo “ lugahiinna hoostooda” sida dhul gariirrada iyo daadadka, iwm
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَّبَ بِهِۦ قَوۡمُكَ وَهُوَ ٱلۡحَقُّۚ قُل لَّسۡتُ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ
66.Dadkaaguna way beeniyaan (Qur’aanka) isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu ma ahi wakiil dushiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّكُلِّ نَبَإٖ مُّسۡتَقَرّٞۚ وَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
67.War walbaa wuxuu leeyahay sal dhig iyo muddo uu ku dhammado, waadna ogaan doontaan (gaaloy waxa idinku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ يَخُوضُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦۚ وَإِمَّا يُنسِيَنَّكَ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَلَا تَقۡعُدۡ بَعۡدَ ٱلذِّكۡرَىٰ مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
68. Markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay galaan war kale.Hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadka daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት