Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ مَلَكٗا لَّجَعَلۡنَٰهُ رَجُلٗا وَلَلَبَسۡنَا عَلَيۡهِم مَّا يَلۡبِسُونَ
9. Haddaan ka yeello malagna, waxaan ka yeeli laheyn nin, markaasaan iskaga dari lahayn arrinka siday iyaguba isaga daraan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
10. Waxaa dhab ahaan lagu jees jeesay Rusul kaa horreysey, waxaa se ku digtayaashii ka midka ahaa ku dhacay (Ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ ٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
11. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibta (Xaq) beeniyayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لِّمَن مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُل لِّلَّهِۚ كَتَبَ عَلَىٰ نَفۡسِهِ ٱلرَّحۡمَةَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۚ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
12. Dheh: Kumaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeynayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَلَهُۥ مَا سَكَنَ فِي ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
13. Alle baana iska leh waxa ku xasilan habeenka iyo maalinta, waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَتَّخِذُ وَلِيّٗا فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَهُوَ يُطۡعِمُ وَلَا يُطۡعَمُۗ قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَسۡلَمَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, ilaah, rabbi) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaana wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Hana ka mid noqoninna mushrikiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
15. Dheh: waxaan ka cabsan, haddaan ku caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّن يُصۡرَفۡ عَنۡهُ يَوۡمَئِذٖ فَقَدۡ رَحِمَهُۥۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡمُبِينُ
16. Kan laga duwo Maalinkaas (Cadaabka). Alle wuu u Naxariisatay, taasina waa Liibaanta Cad (ee muuqata).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يَمۡسَسۡكَ ٱللَّهُ بِضُرّٖ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَۖ وَإِن يَمۡسَسۡكَ بِخَيۡرٖ فَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
17. Hadduu Alle ku taabsiiyo dhib, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa aan Isaga ahayn, hadduu ku taabsiiyona khayr, Isagaa wax walba Kara.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ ٱلۡقَاهِرُ فَوۡقَ عِبَادِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
18. Waa Maquuniyaha (sandulleeya daalimiinta iyo isla weynayaasha) ee ka korreeya addoomahiisa, waana Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት