Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ فَٱعۡبُدُوهُۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ
102. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaana wax kasta u wakiil ah (ilaaliya).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّا تُدۡرِكُهُ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَهُوَ يُدۡرِكُ ٱلۡأَبۡصَٰرَۖ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
103. Ma koobi karaan (Alle) aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa Arag walba (Alle wuu arkaa wax kasta, lamase arko Isaga adduunka). Waana Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ جَآءَكُم بَصَآئِرُ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنۡ أَبۡصَرَ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ عَمِيَ فَعَلَيۡهَاۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِحَفِيظٖ
104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلِيَقُولُواْ دَرَسۡتَ وَلِنُبَيِّنَهُۥ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
105. Sidaasaannu ugu celcelinnaa Aayadaha inay yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo inaan u caddeyno arrinka ciddii garasho leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱتَّبِعۡ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
106. Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga (Alle) Rabbigaa, ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, iskagana jeeso mushrikiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَآ أَشۡرَكُواْۗ وَمَا جَعَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗاۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٖ
107. Hadduu doono Alle, uma ay shariig yeeleen cidna, mana aanu kaaga dhigin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَسُبُّواْ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَسُبُّواْ ٱللَّهَ عَدۡوَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٖۗ كَذَٰلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِم مَّرۡجِعُهُمۡ فَيُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِن جَآءَتۡهُمۡ ءَايَةٞ لَّيُؤۡمِنُنَّ بِهَاۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَا يُشۡعِرُكُمۡ أَنَّهَآ إِذَا جَآءَتۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
109. Waxay ku dhaartaan Alle midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo (mucjiso) ay rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Alle, maxaase idin ogeysiinaya markay (mucjiso) u timaaddo inayan rumayneyn?
6. Mushrikiinta waxay ku dhaarteen in hadday arkaan mucjiso ka yimid xagga Alle ay rumeyn, markaasay waxay mu’miniinta jecleysteen oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu soo dejiyo mucjisdaas, wuxuu Alle uga jawaabay Aayaddan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنُقَلِّبُ أَفۡـِٔدَتَهُمۡ وَأَبۡصَٰرَهُمۡ كَمَا لَمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهِۦٓ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَنَذَرُهُمۡ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna uga tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት