Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾奈尔姆   段:
ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ فَٱعۡبُدُوهُۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ
102. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaana wax kasta u wakiil ah (ilaaliya).
阿拉伯语经注:
لَّا تُدۡرِكُهُ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَهُوَ يُدۡرِكُ ٱلۡأَبۡصَٰرَۖ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
103. Ma koobi karaan (Alle) aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa Arag walba (Alle wuu arkaa wax kasta, lamase arko Isaga adduunka). Waana Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah.
阿拉伯语经注:
قَدۡ جَآءَكُم بَصَآئِرُ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنۡ أَبۡصَرَ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ عَمِيَ فَعَلَيۡهَاۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِحَفِيظٖ
104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.
阿拉伯语经注:
وَكَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلِيَقُولُواْ دَرَسۡتَ وَلِنُبَيِّنَهُۥ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
105. Sidaasaannu ugu celcelinnaa Aayadaha inay yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo inaan u caddeyno arrinka ciddii garasho leh.
阿拉伯语经注:
ٱتَّبِعۡ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
106. Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga (Alle) Rabbigaa, ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, iskagana jeeso mushrikiinta.
阿拉伯语经注:
وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَآ أَشۡرَكُواْۗ وَمَا جَعَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗاۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٖ
107. Hadduu doono Alle, uma ay shariig yeeleen cidna, mana aanu kaaga dhigin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَسُبُّواْ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَسُبُّواْ ٱللَّهَ عَدۡوَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٖۗ كَذَٰلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِم مَّرۡجِعُهُمۡ فَيُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.
阿拉伯语经注:
وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِن جَآءَتۡهُمۡ ءَايَةٞ لَّيُؤۡمِنُنَّ بِهَاۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَا يُشۡعِرُكُمۡ أَنَّهَآ إِذَا جَآءَتۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
109. Waxay ku dhaartaan Alle midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo (mucjiso) ay rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Alle, maxaase idin ogeysiinaya markay (mucjiso) u timaaddo inayan rumayneyn?
6. Mushrikiinta waxay ku dhaarteen in hadday arkaan mucjiso ka yimid xagga Alle ay rumeyn, markaasay waxay mu’miniinta jecleysteen oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu soo dejiyo mucjisdaas, wuxuu Alle uga jawaabay Aayaddan.
阿拉伯语经注:
وَنُقَلِّبُ أَفۡـِٔدَتَهُمۡ وَأَبۡصَٰرَهُمۡ كَمَا لَمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهِۦٓ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَنَذَرُهُمۡ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna uga tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾奈尔姆
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭