Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ رَبُّكَ أَوۡ يَأۡتِيَ بَعۡضُ ءَايَٰتِ رَبِّكَۗ يَوۡمَ يَأۡتِي بَعۡضُ ءَايَٰتِ رَبِّكَ لَا يَنفَعُ نَفۡسًا إِيمَٰنُهَا لَمۡ تَكُنۡ ءَامَنَتۡ مِن قَبۡلُ أَوۡ كَسَبَتۡ فِيٓ إِيمَٰنِهَا خَيۡرٗاۗ قُلِ ٱنتَظِرُوٓاْ إِنَّا مُنتَظِرُونَ
158. Ma waxay sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku(mid ka mid ah waxyaala- han), innaguna(sidoo kale) waan sugaynaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗا لَّسۡتَ مِنۡهُمۡ فِي شَيۡءٍۚ إِنَّمَآ أَمۡرُهُمۡ إِلَى ٱللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
159. Hubaal, kuwa gees maray diintooda oo noqday dariiqooyin (kala duwan), waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Alle, markaasuu wuxuu u sheegi waxay falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ عَشۡرُ أَمۡثَالِهَاۖ وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَا وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
160. Qofkii la yimaada camal san, wuxuu heli toban laabkeed wax la mid ah, qofkiise la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah iyagoon la dulmeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّنِي هَدَىٰنِي رَبِّيٓ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ دِينٗا قِيَمٗا مِّلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۚ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
161. Dheh: Aniga Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka), diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. Kamana mid aheyn mushrikiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّ صَلَاتِي وَنُسُكِي وَمَحۡيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
162. Dheh: Salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا شَرِيكَ لَهُۥۖ وَبِذَٰلِكَ أُمِرۡتُ وَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
163. Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, Waxaana ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡغِي رَبّٗا وَهُوَ رَبُّ كُلِّ شَيۡءٖۚ وَلَا تَكۡسِبُ كُلُّ نَفۡسٍ إِلَّا عَلَيۡهَاۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرۡجِعُكُمۡ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
164. Dheh: Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Alle? Isagoo ah Rabbiga wax walba; naf walbana waxay kasbato (oo denbi ah) waa dusheeda, nafna denbi naf kale ma qaaddo. Waana xagga (Alle) Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafi jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَكُمۡ خَلَٰٓئِفَ ٱلۡأَرۡضِ وَرَفَعَ بَعۡضَكُمۡ فَوۡقَ بَعۡضٖ دَرَجَٰتٖ لِّيَبۡلُوَكُمۡ فِي مَآ ءَاتَىٰكُمۡۗ إِنَّ رَبَّكَ سَرِيعُ ٱلۡعِقَابِ وَإِنَّهُۥ لَغَفُورٞ رَّحِيمُۢ
165. (Alle) waa Kan idinka yeelay kuwo isku xigsada dhulka oo ka taliya, kana sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo wuxuu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት