Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يَلۡبِسُوٓاْ إِيمَٰنَهُم بِظُلۡمٍ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلۡأَمۡنُ وَهُم مُّهۡتَدُونَ
82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتِلۡكَ حُجَّتُنَآ ءَاتَيۡنَٰهَآ إِبۡرَٰهِيمَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦۚ نَرۡفَعُ دَرَجَٰتٖ مَّن نَّشَآءُۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
83. Taasi waa xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim qolodiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۚ كُلًّا هَدَيۡنَاۚ وَنُوحًا هَدَيۡنَا مِن قَبۡلُۖ وَمِن ذُرِّيَّتِهِۦ دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَىٰ وَهَٰرُونَۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
84. Waxaana ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, Nuuxna waanu hanuuninnay kal hore, waxaana ka mid ah ubadkiisa; Daawuud, Sulaymaan, Ayyuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun. Sidaasaana u abaal marinnaa samo falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَزَكَرِيَّا وَيَحۡيَىٰ وَعِيسَىٰ وَإِلۡيَاسَۖ كُلّٞ مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
85. Iyo Zakariya, Yaxyaa, Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِسۡمَٰعِيلَ وَٱلۡيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطٗاۚ وَكُلّٗا فَضَّلۡنَا عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
86. Iyo Ismaaciil, Al-Yasac, Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka faddilnay uumanka (waqtigoodii).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَذُرِّيَّٰتِهِمۡ وَإِخۡوَٰنِهِمۡۖ وَٱجۡتَبَيۡنَٰهُمۡ وَهَدَيۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
87. Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood - waan doorannay, oo ku hanuuninnay Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهۡدِي بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۚ وَلَوۡ أَشۡرَكُواْ لَحَبِطَ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
88. Kaasi waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeenna Alle cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحُكۡمَ وَٱلنُّبُوَّةَۚ فَإِن يَكۡفُرۡ بِهَا هَٰٓؤُلَآءِ فَقَدۡ وَكَّلۡنَا بِهَا قَوۡمٗا لَّيۡسُواْ بِهَا بِكَٰفِرِينَ
89. Kuwaa waa kuwa aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Hadday kuwani rumeyn diidaan, waxaan u xil saarnay qolo aan Xaqa diidin (Muslimiinta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَى ٱللَّهُۖ فَبِهُدَىٰهُمُ ٱقۡتَدِهۡۗ قُل لَّآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًاۖ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡعَٰلَمِينَ
90. Kuwaa (Nabiyada) weeye kuwa uu Alle hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa u waano uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት