Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
وَكَذَٰلِكَ فَتَنَّا بَعۡضَهُم بِبَعۡضٖ لِّيَقُولُوٓاْ أَهَٰٓؤُلَآءِ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنۢ بَيۡنِنَآۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِٱلشَّٰكِرِينَ
53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Alle uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا جَآءَكَ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِنَا فَقُلۡ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡۖ كَتَبَ رَبُّكُمۡ عَلَىٰ نَفۡسِهِ ٱلرَّحۡمَةَ أَنَّهُۥ مَنۡ عَمِلَ مِنكُمۡ سُوٓءَۢا بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَصۡلَحَ فَأَنَّهُۥ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
54. Markay kuwa rumeysan Aayadahaya- ga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falo xumaan jahli darti, markaas kaddibna toobad keeno oo wanaagsanaa- do, hubaaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلِتَسۡتَبِينَ سَبِيلُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
55. Sidaasaan u faahfaahinnaa Aayadaha si ay u caddaato waddada denbiilayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۚ قُل لَّآ أَتَّبِعُ أَهۡوَآءَكُمۡ قَدۡ ضَلَلۡتُ إِذٗا وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُهۡتَدِينَ
56. Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi.Dheh:Raaci maayo hawadiin- na, waayo (haddii aan sidaas yeelo), waan lumi, kamana mid ahaanayo kuwa hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنِّي عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَكَذَّبۡتُم بِهِۦۚ مَا عِندِي مَا تَسۡتَعۡجِلُونَ بِهِۦٓۚ إِنِ ٱلۡحُكۡمُ إِلَّا لِلَّهِۖ يَقُصُّ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡفَٰصِلِينَ
57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Alle Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لَّوۡ أَنَّ عِندِي مَا تَسۡتَعۡجِلُونَ بِهِۦ لَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۗ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِٱلظَّٰلِمِينَ
58. Dheh: Haddaan hayn lahaa waxaad dooneysaan in la soo dedejiyo (oo cadaab ah), arrinka wuxuu ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna. Alle wuu ogsoon yahay daalimiinta (gar diidka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَعِندَهُۥ مَفَاتِحُ ٱلۡغَيۡبِ لَا يَعۡلَمُهَآ إِلَّا هُوَۚ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۚ وَمَا تَسۡقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعۡلَمُهَا وَلَا حَبَّةٖ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡأَرۡضِ وَلَا رَطۡبٖ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ
59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት