Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
وَمَا عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَّقُونَ مِنۡ حِسَابِهِم مِّن شَيۡءٖ وَلَٰكِن ذِكۡرَىٰ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
69. Kuwa dhowrsoon waxba kama saarna xisaabtooda (gaalada iyo caasiyaasha), waxayse ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَذَرِ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ دِينَهُمۡ لَعِبٗا وَلَهۡوٗا وَغَرَّتۡهُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَاۚ وَذَكِّرۡ بِهِۦٓ أَن تُبۡسَلَ نَفۡسُۢ بِمَا كَسَبَتۡ لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٞ وَلَا شَفِيعٞ وَإِن تَعۡدِلۡ كُلَّ عَدۡلٖ لَّا يُؤۡخَذۡ مِنۡهَآۗ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أُبۡسِلُواْ بِمَا كَسَبُواْۖ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ
70. Iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, kuna waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay (oo denbiyo ah), ma leh Alle sokadi wax gargaare ah iyo shafeeco midna. Hadday isku furatona madax furasho kasta aan laga aqbaleyn. Waa kuwaa kuwa loo halaagi waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), waxaa lagu abaal marin sharaab biyo kulul oo karaya ah iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَنَدۡعُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُنَا وَلَا يَضُرُّنَا وَنُرَدُّ عَلَىٰٓ أَعۡقَابِنَا بَعۡدَ إِذۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ كَٱلَّذِي ٱسۡتَهۡوَتۡهُ ٱلشَّيَٰطِينُ فِي ٱلۡأَرۡضِ حَيۡرَانَ لَهُۥٓ أَصۡحَٰبٞ يَدۡعُونَهُۥٓ إِلَى ٱلۡهُدَى ٱئۡتِنَاۗ قُلۡ إِنَّ هُدَى ٱللَّهِ هُوَ ٱلۡهُدَىٰۖ وَأُمِرۡنَا لِنُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
71.Dheh:Ma waxaan barinnaa (caabudnaa) Alle sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, ma waxaana dib naloogu celin cirbahayaga kaddib markuu Alle na hanuuniyey? (markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhaha): Noo kaalay. Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka) uun baa ah hanuunka toosan, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنۡ أَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّقُوهُۚ وَهُوَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
72. Ooga salaadda, oo ka cabsada (Alle), waa Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۖ وَيَوۡمَ يَقُولُ كُن فَيَكُونُۚ قَوۡلُهُ ٱلۡحَقُّۚ وَلَهُ ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
73. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq. Maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Isagaana leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufo Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, waana Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha Dheer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት