Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም   አንቀጽ:
ذَٰلِكَ أَن لَّمۡ يَكُن رَّبُّكَ مُهۡلِكَ ٱلۡقُرَىٰ بِظُلۡمٖ وَأَهۡلُهَا غَٰفِلُونَ
131. Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِكُلّٖ دَرَجَٰتٞ مِّمَّا عَمِلُواْۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا يَعۡمَلُونَ
132. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَبُّكَ ٱلۡغَنِيُّ ذُو ٱلرَّحۡمَةِۚ إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَسۡتَخۡلِفۡ مِنۢ بَعۡدِكُم مَّا يَشَآءُ كَمَآ أَنشَأَكُم مِّن ذُرِّيَّةِ قَوۡمٍ ءَاخَرِينَ
133. Rabbigaa (Alle) waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono wuu idin baabbi’in, idinkuna beddeli gadaashiin cidduu doono. Siduu awalba idiinka soo saaray firka qolo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ مَا تُوعَدُونَ لَأٓتٖۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ
134. Waxa la idiinku gooddiyo waa imaan, (Allena) kama baxsan kartaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ يَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَامِلٞۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن تَكُونُ لَهُۥ عَٰقِبَةُ ٱلدَّارِۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ
135. Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal faliye, waadse ogaan doontaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal ma liibaanaan daalimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلُواْ لِلَّهِ مِمَّا ذَرَأَ مِنَ ٱلۡحَرۡثِ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ نَصِيبٗا فَقَالُواْ هَٰذَا لِلَّهِ بِزَعۡمِهِمۡ وَهَٰذَا لِشُرَكَآئِنَاۖ فَمَا كَانَ لِشُرَكَآئِهِمۡ فَلَا يَصِلُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَمَا كَانَ لِلَّهِ فَهُوَ يَصِلُ إِلَىٰ شُرَكَآئِهِمۡۗ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
136. Waxay qayb u yeelaan Alle8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Alle - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Alle, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Alle wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.
8. Qaybta uu Alle leeyahay waxay siinayeen fuqurada iyo masaakiinta oo ku bixinayeen howlaha sama falka, waxayse ay ugu talo galeen sanammada waxay siinayeen kuwa ilaaliya sanammada, oo ma siineyn fuqurada iyo masaakiinta. Caadadan wuu nacladay Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ زَيَّنَ لِكَثِيرٖ مِّنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ قَتۡلَ أَوۡلَٰدِهِمۡ شُرَكَآؤُهُمۡ لِيُرۡدُوهُمۡ وَلِيَلۡبِسُواْ عَلَيۡهِمۡ دِينَهُمۡۖ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا فَعَلُوهُۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ
137. Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (Alle) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አንዓም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት