Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 蜜蜂章   節:
ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ زِدۡنَٰهُمۡ عَذَابٗا فَوۡقَ ٱلۡعَذَابِ بِمَا كَانُواْ يُفۡسِدُونَ
88. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga dadka Jidka Alle (Islaamka), waxaan ugu dari cadaab cadaabkooda, waxay fasaad fali jireen awgii.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَيَوۡمَ نَبۡعَثُ فِي كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدًا عَلَيۡهِم مِّنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَجِئۡنَا بِكَ شَهِيدًا عَلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِۚ وَنَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ تِبۡيَٰنٗا لِّكُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُسۡلِمِينَ
89. (Xus) Maalinka aan ka soo saari ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga (Nabiyow) inaad ka ahaato markhaati kuwan - Waxaana kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo bishaaro Muslimiinta [22].
22. Muslimiin waa kuwa isu dhiiba Doonista Alle ee u hoggaansan.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُ بِٱلۡعَدۡلِ وَٱلۡإِحۡسَٰنِ وَإِيتَآيِٕ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَيَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِ وَٱلۡبَغۡيِۚ يَعِظُكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
90. Hubaal Alle wuxuu amraa caddaaladda, axsaan falka iyo siinta qaraabada, wuxuuna reebaa xumaanta, munkarka iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, inaad ku waano qaadataan oo xusuusataan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَوۡفُواْ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ إِذَا عَٰهَدتُّمۡ وَلَا تَنقُضُواْ ٱلۡأَيۡمَٰنَ بَعۡدَ تَوۡكِيدِهَا وَقَدۡ جَعَلۡتُمُ ٱللَّهَ عَلَيۡكُمۡ كَفِيلًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا تَفۡعَلُونَ
91. Oofiya Ballanka Alle markaad gashaan, hana burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo uga yeesheen Alle damiin. Alle wuu Og yahay waxaad falaysaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّتِي نَقَضَتۡ غَزۡلَهَا مِنۢ بَعۡدِ قُوَّةٍ أَنكَٰثٗا تَتَّخِذُونَ أَيۡمَٰنَكُمۡ دَخَلَۢا بَيۡنَكُمۡ أَن تَكُونَ أُمَّةٌ هِيَ أَرۡبَىٰ مِنۡ أُمَّةٍۚ إِنَّمَا يَبۡلُوكُمُ ٱللَّهُ بِهِۦۚ وَلَيُبَيِّنَنَّ لَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
92. Ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka yeeshaan dhaarahiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale 'darteed' [23]. Alle waa uun idinku imtixaami arrinkaas iyo inuu idiin caddeeyo Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.
23. Muslimiinta tiro ahaan way yaraayen, waxayna la galeen gaalada heshiis., Markii ay arkeen Quryash inay tiro badan yihiin, oo ay muslimiinta dheer yihiin xoog iyo xeeladba iyo waayo aragnimo, waxay door bideen inay uga baxaan heshiiska Nabiga s.c.w., ficilkan oo kalena Alle wuu reebay. Macnaha waa ha ugu dhaarannina been ama ha burinnina heshiis ama ka bixina ballan aad gasheen dano adduunyo darteed, si kastaba uga xoog badnaadee cadowgiinna.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَلَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
93. Hadduu Alle doono, wuxuu idinka yeeli lahaa ummad keliya, wuxuuse lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa cidduu doono. Waana la idin weydiin waxaad falayseen.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 蜜蜂章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる