Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 蜜蜂章   節:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّهُمۡ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٞۗ لِّسَانُ ٱلَّذِي يُلۡحِدُونَ إِلَيۡهِ أَعۡجَمِيّٞ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِيّٞ مُّبِينٌ
103. Waxaanu ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye [25], kanina waa af Carabi faseex ah.
25. Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهۡدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
104. Hubaal kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, ma hanuuniyo Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّمَا يَفۡتَرِي ٱلۡكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
105. Waxaa uun been abuurta sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha.
アラビア語 クルアーン注釈:
مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنۡ أُكۡرِهَ وَقَلۡبُهُۥ مُطۡمَئِنُّۢ بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلۡكُفۡرِ صَدۡرٗا فَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
106. Qofkii ku gaalooba Alle rumeyn kaddib [26], mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Alle, waxayna leeyihiin Cadaab weyn.
26. Gunaanadka Aayadda iyo waxa ka go’an ee ka maqan ee la iska garan karo waxaa weeye wuxuu galabsaday Cadhadii Alle.
アラビア語 クルアーン注釈:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
107. Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah (madaxa adag).
アラビア語 クルアーン注釈:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡغَٰفِلُونَ
108. Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
109. Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari.
アラビア語 クルアーン注釈:
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا فُتِنُواْ ثُمَّ جَٰهَدُواْ وَصَبَرُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
110. Markaa, hubaal Rabbigaa kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 蜜蜂章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる