Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 奈哈里   段:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّهُمۡ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٞۗ لِّسَانُ ٱلَّذِي يُلۡحِدُونَ إِلَيۡهِ أَعۡجَمِيّٞ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِيّٞ مُّبِينٌ
103. Waxaanu ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye25, kanina waa af Carabi faseex ah.
25. Af cajami ah waa af aan Carabi ahayn , sidoo kalena waxaa la yidhaahdaa cajami afka carabiga ee la jajabiyo, waayo ninka ay ku tuhmayaan inuu baro Qur’aanka Rasuulka waa nimaan Carab ahayn, oo yaqaan xoogaa Carabi ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهۡدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
104. Kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, ma hanuuniyo Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
阿拉伯语经注:
إِنَّمَا يَفۡتَرِي ٱلۡكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
105. Waxaa uun been abuurta sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha.
阿拉伯语经注:
مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنۡ أُكۡرِهَ وَقَلۡبُهُۥ مُطۡمَئِنُّۢ بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلۡكُفۡرِ صَدۡرٗا فَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
106. Qofkii ku gaalooba Alle rumeyn kaddib26, mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Alle, waxayna leeyihiin Cadaab daran.
26. Gunaanadka Aayadda iyo waxa ka go’an ee ka maqan ee la iska garan karo waxaa weeye wuxuu galabsaday Cadhadii Alle.
阿拉伯语经注:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
107. Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah (madaxa adag).
阿拉伯语经注:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡغَٰفِلُونَ
108. Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan.
阿拉伯语经注:
لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
109. Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا فُتِنُواْ ثُمَّ جَٰهَدُواْ وَصَبَرُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
110. Markaa, hubaal Rabbigaa kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 奈哈里
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭