Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 預言者たち章   節:
وَمِنَ ٱلشَّيَٰطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُۥ وَيَعۡمَلُونَ عَمَلٗا دُونَ ذَٰلِكَۖ وَكُنَّا لَهُمۡ حَٰفِظِينَ
82. Shaydaammadana (dadka iyo jinkaba leh waan u sakhirnay) waxaana ka mid ahaa kuwo u quusa (badda) una fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Waana Annaga kuwa dhowrayey23.
23. Innagaa ka dhowrnay inay caasiyaan oo khilaafaan amarka Sulaymaan, oo ka dhowrnay Sulaymaan inay u geystaan wax waxyeello ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ وَأَيُّوبَ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَسَّنِيَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ
83. (Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Waxaa I taabtay dhib (jirro iyo dad iyo duunyo beel), Adiguna waxaad tahay (Allow) Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”
アラビア語 クルアーン注釈:
فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ فَكَشَفۡنَا مَا بِهِۦ مِن ضُرّٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَهۡلَهُۥ وَمِثۡلَهُم مَّعَهُمۡ رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَا وَذِكۡرَىٰ لِلۡعَٰبِدِينَ
84. Waana ajiibnay, Waxaana ka feydnay dhibtii haysey (jirradii iyo faqrigii), waxaana siinnay ehelkiisii (uu waayey) iyo in le’eg oo wehlisa - Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِدۡرِيسَ وَذَا ٱلۡكِفۡلِۖ كُلّٞ مِّنَ ٱلصَّٰبِرِينَ
85. (Xus) Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, kulli waxay ka mid ahaayeen kuwa samra.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَدۡخَلۡنَٰهُمۡ فِي رَحۡمَتِنَآۖ إِنَّهُم مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
86. Waxaana dhex gelinnay Naxariistayada. Waxay ka mid ahaayeen kuwa wanaagsan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَٰضِبٗا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقۡدِرَ عَلَيۡهِ فَنَادَىٰ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبۡحَٰنَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn (aanu qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.
24. Ka cadheysan gaalnimada iyo caasiyoobidda dadkiisa.
25. Macne kale waa aan ku cidhiidhyi doonin (caloosha nibriga).
26. Mugdiyadaas oo ah mugdiga habeenka, kan badda, iyo kan caloosha nibriga.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ وَنَجَّيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡغَمِّۚ وَكَذَٰلِكَ نُـۨجِي ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
88. Waana ajiibnnay baryadiisii, kana badbaadinnay murugadii. Sidaasaana u badbaadinnaa mu’miniinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَزَكَرِيَّآ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرۡنِي فَرۡدٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡوَٰرِثِينَ
89. (Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli ahaan, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ وَوَهَبۡنَا لَهُۥ يَحۡيَىٰ وَأَصۡلَحۡنَا لَهُۥ زَوۡجَهُۥٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَيَدۡعُونَنَا رَغَبٗا وَرَهَبٗاۖ وَكَانُواْ لَنَا خَٰشِعِينَ
90. Waana ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, una hagaajinnay xaaskiisii. Waxay ahaayeen kuwo u degdega inay falaan camallo wanaagsan oo na barya (caabuda) si rajo iyo cabsiba leh, waxayna ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san).
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 預言者たち章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる