Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: ビザンチン章   節:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ بِأَمۡرِهِۦۚ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمۡ دَعۡوَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ إِذَآ أَنتُمۡ تَخۡرُجُونَ
25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana markuu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ
26. (Alle) baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay3 u hoggaansan yihiin (oo adeecaan).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهۡوَنُ عَلَيۡهِۚ وَلَهُ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
27. Waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda. Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
ضَرَبَ لَكُم مَّثَلٗا مِّنۡ أَنفُسِكُمۡۖ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِي مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ فَأَنتُمۡ فِيهِ سَوَآءٞ تَخَافُونَهُمۡ كَخِيفَتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
28. Wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiinna ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii wax fahmi.
アラビア語 クルアーン注釈:
بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ فَمَن يَهۡدِي مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
アラビア語 クルアーン注釈:
فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗاۚ فِطۡرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيۡهَاۚ لَا تَبۡدِيلَ لِخَلۡقِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Alle ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ مُنِيبِينَ إِلَيۡهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
31. (idinkoo) Alle u noqon oo tawbad keen ah, dhowrana (amarradiisa), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan6 ay ku faraxsan yihiin.
6. Waxay heystaan oo caqiidooyin ah, caadooyin , dhaqammo, iwm.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: ビザンチン章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる