Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அர்ரூம்   வசனம்:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ بِأَمۡرِهِۦۚ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمۡ دَعۡوَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ إِذَآ أَنتُمۡ تَخۡرُجُونَ
25. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku taagan yihiin (jiraan) Amarkiisa, haddana markuu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo baxeysaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ
26. (Alle) baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligood Isagay3 u hoggaansan yihiin (oo adeecaan).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهۡوَنُ عَلَيۡهِۚ وَلَهُ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
27. (Alle) waa Kan billaabay uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, wayna u fududdahay arrintaasu. Isagaana iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda, Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
ضَرَبَ لَكُم مَّثَلٗا مِّنۡ أَنفُسِكُمۡۖ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِي مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ فَأَنتُمۡ فِيهِ سَوَآءٞ تَخَافُونَهُمۡ كَخِيفَتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
28.Alle wuxuu idiin yeelay tusaale nafahiin- na ah, miyey idinla wadaaagaan kuway midigtiinnu hanato waxa aan idin siinnay oo aad idinku u wada siman tihiin oo aad uga cabsataan sidaad isaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii wax fahmi.
அரபு விரிவுரைகள்:
بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ فَمَن يَهۡدِي مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ
29. Hase yeeshee, kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) waxay raacaan hawadooda cilmi la'aan, ee yaa hanuunin mid uu Alle lumiyo? Mana laha wax u soo gargaari (Aakhirada).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗاۚ فِطۡرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيۡهَاۚ لَا تَبۡدِيلَ لِخَلۡقِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
30. Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Alle ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay (iyo diintiisa), sidaa uu (kugu amray) baa ah Jidka Toosan, dadka badankiisuse ma ay oga.
அரபு விரிவுரைகள்:
۞ مُنِيبِينَ إِلَيۡهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
31. (idinkoo) Alle u noqon oo toobad keen ah, dhowrana (xilkuu idin saaray), oo ooga salaadda, hana ka mid ahaannina Mushrikiinta.
அரபு விரிவுரைகள்:
مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
32. Kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday kooxo, xizbi walbaa waxay haystaan5 ay ku faraxsan yihiin.
5. Waxay heystaan oo caqiidooyin ah, caadooyin , dhaqammo, iwm.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அர்ரூம்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக