[11]. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan.
[12]. Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba.
[13]. Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha, diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari.
[14]. Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore.
[15]. Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan.