Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَجۡعَلُونَ لِمَا لَا يَعۡلَمُونَ نَصِيبٗا مِّمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡۗ تَٱللَّهِ لَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَفۡتَرُونَ
56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn (oo ilaahyo been ah)11. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.
11. Waxaa loola jeedaa wax ayan cilmi u heysan oo ah ilaahyadaa baadilka ay sameysteen, bal waxay wax ku dhisaan malooyin iyo caadooyin ama raacidda dad habowsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ ٱلۡبَنَٰتِ سُبۡحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشۡتَهُونَ
57. Waxay u yeelaan Alle gabdho12. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.
12. Waxay yidhaahdeen Alle wuxuu leeyahay gabdho, iyagoo ula jeeda malaa’igta, iyagoo naf ahaantooda neceb inay yeeshaan gabdho siduu Alle ku xusay Aayaddan iyo tan ka dambeysaba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلۡأُنثَىٰ ظَلَّ وَجۡهُهُۥ مُسۡوَدّٗا وَهُوَ كَظِيمٞ
58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓۚ أَيُمۡسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمۡ يَدُسُّهُۥ فِي ٱلتُّرَابِۗ أَلَا سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan13.
13. Nabigu s.c.w. wuu xaaraanshay ku caasinta hooyooyinkiin, nolol xabaalidda gabdhaha, diidista bixinta xuquuqda dadka, baryada, ku tiri ku teenta iyo su’aasha badan, iyo luminta maalka. W.w.Al-Bukhaari.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوۡءِۖ وَلِلَّهِ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun14, Allena waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
14. Sida waxa lagu xusay labadii Aayadood ee hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلۡمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيۡهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ لَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكۡرَهُونَۚ وَتَصِفُ أَلۡسِنَتُهُمُ ٱلۡكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفۡرَطُونَ
62. Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono15.
15. Macno kale waxaa weeye waxaa laga yeeli inay halkaasi kaga horreeyaan inta kale oo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَٱللَّهِ لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
64. Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት