Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
وَأَلۡقَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمۡ وَأَنۡهَٰرٗا وَسُبُلٗا لَّعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
15. Wuxuuna (Alle) ku dhidbay si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan (wuxuuna yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad toos ugu socotaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَعَلَٰمَٰتٖۚ وَبِٱلنَّجۡمِ هُمۡ يَهۡتَدُونَ
16. Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, xiddigahayna ku helaan dhabbaha toosan (markay saxraha joogaan ama badda).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَمَن يَخۡلُقُ كَمَن لَّا يَخۡلُقُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
17. Ma mid (waa Alle'e) wax abuura baa la mid ah kuwo aan wax abuurin (sanamada)? Ma waydaan waansameyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن تَعُدُّواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحۡصُوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
18. Haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ
19. Alle wuu Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخۡلُقُونَ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
20. Kuwa ay baryaanna (caabudaan) Alle sokadi waxba ma abuuraan, iyagaase la abuuraa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡوَٰتٌ غَيۡرُ أَحۡيَآءٖۖ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ
21. (Waa) mayti aan nooleyn, mana oga goorta la soo bixinayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۚ فَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ قُلُوبُهُم مُّنكِرَةٞ وَهُم مُّسۡتَكۡبِرُونَ
22. Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah (Allaah). Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), wayna isla weyn yihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا جَرَمَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُسۡتَكۡبِرِينَ
23. Shaki ma leh, in Alle Ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba. Hubaal Alle ma jecla kuwa isla weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا قِيلَ لَهُم مَّاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمۡ قَالُوٓاْ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
24. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Muxuu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: Sheekooyinka kuwii hore.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِيَحۡمِلُوٓاْ أَوۡزَارَهُمۡ كَامِلَةٗ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَمِنۡ أَوۡزَارِ ٱلَّذِينَ يُضِلُّونَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٍۗ أَلَا سَآءَ مَا يَزِرُونَ
25. Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran (oo denbiyo ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَأَتَى ٱللَّهُ بُنۡيَٰنَهُم مِّنَ ٱلۡقَوَاعِدِ فَخَرَّ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّقۡفُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَأَتَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ
26. Waxaa wax dhagray oo tab degay4 kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Alle uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn.
4. Alle wuxuu sababay qorshahoodu inuu fashilmo oo bannaanka keenay dhagartooda iyo shirqoolkooda xun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት