Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
وَٱللَّهُ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ
65. Alle waa Kan ka soo dejiyey biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax maqli.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِۦ مِنۢ بَيۡنِ فَرۡثٖ وَدَمٖ لَّبَنًا خَالِصٗا سَآئِغٗا لِّلشَّٰرِبِينَ
66. Waxaana idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, mari og hunguriga kuwa cabbi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلۡأَعۡنَٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنۡهُ سَكَرٗا وَرِزۡقًا حَسَنًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
67. Iyo midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus16 iyo risiq wanaagsan. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii garasho leh.
16. Aayaddan waxaa la soo dejiyey ka hor inta aan la xarrimin khamriga. Waxay muujineysaa xaqiiqda in waxyaalaha qaarkood ay ku jiraan dhibaato iyo in sidoo kale lahaan karaan xoogaa wanaag ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَوۡحَىٰ رَبُّكَ إِلَى ٱلنَّحۡلِ أَنِ ٱتَّخِذِي مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا وَمِنَ ٱلشَّجَرِ وَمِمَّا يَعۡرِشُونَ
68. Wuxuu Rabbigaa u waxyooday shinnada: Ka sameyso buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhisaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ كُلِي مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ فَٱسۡلُكِي سُبُلَ رَبِّكِ ذُلُلٗاۚ يَخۡرُجُ مِنۢ بُطُونِهَا شَرَابٞ مُّخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهُۥ فِيهِ شِفَآءٞ لِّلنَّاسِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
69. Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa idinkoo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii fikiri.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ ثُمَّ يَتَوَفَّىٰكُمۡۚ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرۡذَلِ ٱلۡعُمُرِ لِكَيۡ لَا يَعۡلَمَ بَعۡدَ عِلۡمٖ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٞ قَدِيرٞ
70. Alle baa idin abuuray, misna idin oofsan, waxaana idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ فَضَّلَ بَعۡضَكُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ فِي ٱلرِّزۡقِۚ فَمَا ٱلَّذِينَ فُضِّلُواْ بِرَآدِّي رِزۡقِهِمۡ عَلَىٰ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَهُمۡ فِيهِ سَوَآءٌۚ أَفَبِنِعۡمَةِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ
71. Alle wuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan17. Ee ma Nicmadda Alle (Islaamka) baa waxay diiddan yihiin?
17. Xujada lagu xusay Aayaddan waxaa weeye: Hadday u arkin waxyaalaha ay leeyihiin wax la siman iyaga, haddaba sidee bay ula simi karaan Alle uunkiisa oo uga dhigi shariikyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُم بَنِينَ وَحَفَدَةٗ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ أَفَبِٱلۡبَٰطِلِ يُؤۡمِنُونَ وَبِنِعۡمَتِ ٱللَّهِ هُمۡ يَكۡفُرُونَ
72. Alle wuxuu idiinka yeelay nafahiinna xaasas idinla nooc ah, wuxuuna idinka siiyey xaasaskiinna ubad iyo ilmo ilmahood, wuxuuna ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma baadil (shirki) baa waxay rumeysan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Alle (Towxiidka) waxay diidaan inay rumeeyaan oo ku gaaloobaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት