Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል   አንቀጽ:
ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٌ
119. Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas tawbad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةٗ قَانِتٗا لِّلَّهِ حَنِيفٗا وَلَمۡ يَكُ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
120. Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo [29], adeeca Alle, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta.
29. Waa leh dhammaan tilmaamaha wanaagsan ee ka yeeli karta qofka tusaale lagu daydo uu wax ku hoggaamiyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
شَاكِرٗا لِّأَنۡعُمِهِۚ ٱجۡتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
121. Ka mahad naqa Nicmooyika Alle. (Alle) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاتَيۡنَٰهُ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
122.Waxaanu ku siinnay samaan adduunka. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ أَنِ ٱتَّبِعۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
123. Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبۡتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِۚ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
124. Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda [30], Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen.
30. Waxaa loo yeelay maalinta Sabtida: waxaa loola jeedaa waxaa la faray inay la yimaadaan cibaado badan, iyo camallo wanaagsan oo iska daayaan maalintaas xoogsiga iyo maceeshad raadinta, kamase soo bixin, wayna isku khilaafeen, kaddibna waxaa lagu nasakhay shareecadii Nabi Ciise c.s. ee ka dambeeyey Muuse c.s.,. ugu dambeyn wuxuu Alle ku hanuunshay maalinta abbaarta ah muslimiinta oo waa maalinta Jumcaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan leennahay innaga Muslimiinta ah Jumcaha, Yuhuuddana maalintooda waa Sabtida, Nasaaraduna Axadda, Annaga ayaa u horreyna, iyaguna waa naga dambeeyaan. Waxaannu nahay ummad tii u dambeysey ummadaha, waxaannuse ahaan ummadda u horreysa ee gasha Jannada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱدۡعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِٱلۡحِكۡمَةِ وَٱلۡمَوۡعِظَةِ ٱلۡحَسَنَةِۖ وَجَٰدِلۡهُم بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنۡ عَاقَبۡتُمۡ فَعَاقِبُواْ بِمِثۡلِ مَا عُوقِبۡتُم بِهِۦۖ وَلَئِن صَبَرۡتُمۡ لَهُوَ خَيۡرٞ لِّلصَّٰبِرِينَ
126. Haddaad aar goosaneysaanna, aar goosta in la mid ah intii la idiin geystey oo kale, haddaadse samartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa samra.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱصۡبِرۡ وَمَا صَبۡرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِۚ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُ فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ
127. Samir, mana aha samirkaagu waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan oo dabin dhigaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْ وَّٱلَّذِينَ هُم مُّحۡسِنُونَ
128. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አን-ነሕል
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት